Dabkii xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ayay ku gubatay hanti aad u badan iyadoo wali uu socdo tirakoobka hantidii ku luntey, waxaana jirtey in si degdeg ah loo damiyey dabkii ka kacay.
Waaliga gobolka Banaadir ay Alshabaab Sheekh Cali Maxamed ayaa AMISOM ku eedeeyey in ay falkani ka dambeeyeen, hase yeeshee AMISOM afayeenkooda Bahuko ayaa beeniyey sheegeyna in Alshabaab ka dambeeysay.
Waa markii ugu horeyso oo ay soo shaacbaxdo in ay jiraan dad si ula kac ah dab u qabadsiinaya hanti dadweyne iyadoo horaan dabab halaag ah ay ka dhaceen isla suuqani,