Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Baarlamaanka DKMG ah oo doonaya in Kenya xarkaha loo jarro

Published: 3 February 2010
KN: Wax noqonaya talaabadii ugu horeysey oo ay dhanka wanaagsan u qaadaan xildhibaanada DKMG ah ayay kusoo saareen mooshin ay baarlamaanka hordhigayaan kaasoo lagu doonayo in dowlada ay xariirka dublumaasiyadeed u jarto dowlada Kenya, balse?



In ka badan 40 xildhibaan ayaa qoraal ay ku saxiixanyihiin kusoo bandhigey Xamar iyagoo doonaya in baarlamaanka la geeyo oo laga doodo, dowlana lagu qasbo in ay xariirka u qarto dowlada Kenya sababtuna ay tahay howlgalkii Soomaalida lagu beegsanayay ee dhawaan dalkaasi ka dhacay, kana socda wali.





Waxay kaloo doonayaan in Kenya ay raali galin ka bixiso wixii dhacay.





Sidoo kale waxay doonayaan in hey’adaha gargaarka ee Soomaaliya qaabilsan in xarumahooda ay ka raraan Kenya, una guuraan dalalka jabuuti iyo Uganda.





Wallow aysan u badneyn in dheg jelaq loo siiyo dalabkaasi layaabka la leh, waxay su’aasha ka taagantahay DKMG ah ma maarantaa saaxiibkeeda koowaad ee garabka u ah? In xariirka loo jarro Kenya maxaa kaga lumaya Kenya oo ay ku weeyneysaa?


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Masuuliyiin Midowga Yurub ka tirsan oo kulan kula yeeshay Nayrobi Riisul wasaraha DKMG Somaliya
  Wasiir DKMG ka tirsan kuna sugan Addis Ababa oo sheegay in Cidamo Itopiyan soo galidoonan Somaliya.
  Dadka u xiran DKMG ah oo sii kordhaya
  Isku dhac Khasaaro geystay oo ka dhacay Hobyo
  DKMG iyo Xoogaga Islaamiga oo guulo ka kala sheegtay Dagaalk Xalay ka dhaga Xamar.


Xayeesiis 25x250