Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Duulaanka DKMG ah oo loo shintirinayo

Published: 4 February 2010

KN: Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ku magacaaban wasiir DKMG ah ka tirsan ayaa idaacada Shabbelle u sheegey in maalmaha soo socda ay weerar ku qaadi doonaan dhamaan gobolada Soomaaliya ee aysan gacanta ku heyn dowladiisa, wuxuu fashiley qorshaha dagaalka.





Waxa uu sheegey in markaliya duulaanada ay ka wada bilaabanayaan gobolada Hiiraan, Bay iyo Bakool, Gedo iyo Jubooyinka, muddo koobana la wareegi doonaan dalka.





Wallow uu ku magacaabanyahay wasiirka Beeraha hadane DKMG ah waxaa dhaqan u ah in cid kasta oo golaha wusarada ku jirta in ay ka hadli karto qorshaha dagaalada iyo ciidamada, sidaasi darteed hadalkiisa dad baddan oo ay arrintani saameyneyso dhab ayay u qaadanayaan.





Waxa uu intaasi ku daray in dhamaan ciidamadii weerari lahaa ay diyaar yihiin, waxa laga war sugaana ay tahay talaabo qaad. iyadoo maanka lagu hayo hadal heyn soo baxday oo ah in duulaanka ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada Kenya ee xuduuda lasoo dhoobey ayaa mar la weeydiiyey waxa uu kala socdo ciidamada xadka jooga ayuu sheegey in aysan waxbo ka ogeyn balse uu kenya ugu baaqayo in ay ka hortagaan kuwa qaska la damacsan, sida uu hadalka u dhigey.





Isku biirista xoogaga Raaskaanbooni iyo Alshabaab ee Baydhabo ka dhacday ayuu kasoo qaadey wax maalaa yacni ah oo aanan muhiimad u samaynaynin dhankooda maadaamaa markii horaba ay labbada dhinac ku mideysnaayeen la dagaalanka DKMG ah.


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Afhayeenka Amisom (Xernashaha Wadada Dabka waxa masuul ka ah Alshabaab)
  Alshabaab oo uga digay Uganda in ciidan kale u soo dirto Somaliya
  Masuuliyiin Midowga Yurub ka tirsan oo kulan ku yeeshay Nayrobi Riisul wasaraha DKMG Somaliya
  Xubno masuuliyiin Midowga Yurub ka tirsan kulan ku yeeshay Nayrobi
  Madaafiic xalay ku dhacdey Xafado ka mid ah Xamar


Xayeesiis 25x250