Hadalkiisa waxa uu jawaab u ahaa shaki la galiyey in magaciisa lagu been abuurtey oo uusan raali ka ahayn, Xassan Turki wuxuu sheegey in shirkaasi uu goobjoog ka ahaa kuna biirey Alshabaab.
Dhanka kale afayeenka Alshabaab Sheekh Cali Raage ayaa sheegey in aysan jirin wax heshiis ah oo ay Xisbul Islaam hadda ka hor la galeen oo ay uga baxeen, wuxuu ugu baaqay in la midoobo oo Islaamka la difaaco, wuxuu sheegey oo kale in aysan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya labbada xarako.