Ciidamada ayaa la sheegey in ay qalqal galiyeen amaanka iyagoo gurtey hubka, kadibna isku gadaamay saraakiil iyaga u talisa oo ay ku eedeeyeen in ay musuqmaasuqeen lacago mushaarkooda ahaa.
Arrintan oo hadda soo ifbaxday ayaa la sheegey in ay dhacday dhawaan, lacagta ay ka cabanayaan waxay dhantahay $6000 kun oo doolar midkiiba oo isugu jirta mushaar iyo gunooyin kale.
Markii uu gadoodku dhacay ayaa la qabqabtay kuwii gadoodka sameeyey, hubkii laga dhigey, la xirxirey kadibna dib loogu celiyey
Faahfaahinta sida ay wax u dhaceen ayaa kaliya soo baxaysa hadda maxkamadaynta darteed, waxaana la filayaa in xogo badan ay soo baxaan maalmahan soo socda, waxay arrintani ahayd sir culus oo ay AMISOM qarineysey.
Lama oga in ciidamadani qaarkood lagu heysto in ay gacan ka geysteen qarixii xarunta AMISOM loo geystey ee loogu dhex dhuuntey kolonyada ciidamada