Ojo Muduekwe wasiirka arrimaha dibada oo la hadlayay midow Afrika ayaa isagoo caraysan sheegey in aysan halis galineynin nafta askartooda, wuxuu intaasi ku daray in dal kasta oo sheegta in uu ciidamo nabad illaalin ah u dirayo Soomaaliya in ay tahay arrin aan daacad ahayn.
Wuxuu hadalkani u sheegey wasiirada arrimaha dibada Uganda iyo Ethiopia xili uu socdey shirkii midowga Afrika, hadalkiisa waxaa ka mid ahaa ”saraakiisheena militariga waa ay tageen Xamar, mana aysan soo arkin hal meel oo nabdoon oo ciidamo la geyn karo, marka halkeey taalaa nabada aad ka hadlaysaan in la sugo”