Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Raali Galin iyo dib usixid qoraal laga qorey Sh Xasan Turki

Published: 5 February 2010

Qoraal dheer oo faallo ahaa kuna soo baxey boggan KismaayoNews oo cinwaankiisu ahaa: Uurka Alshabaab iyo Oogadana Xisbul Islaam: Maamulka bogga KismaayoNews waxey aad uga xunyihiin qoraalkaas baxey oo ahaa mid jaaifo ku ahaa Sh Xasan. Qoraalkan oo si khalad ah kusoo galay bogga ayaan ugu horeyn Illaahay waydiisanaynaa inuu naga cafiyo waxii danbi ah iyo gafkaas.


Sheekh Xasan taariikhda uu ku leeyahay dalka Soomaaliya iyo midda geeska Afrika waa mid cad waxuuna u taagnaa mideynta Mujaahidiinta waxuuna saldhig u ahaa saxwada Islaamiga ah ee ka hanaqaadey dalka Soomaaliya. Sheekh Xasan ma ahan nin warkiisa qariya, mana ahan nin uurkiisa iyo afkiisu kala hadlaan taasina waa mid taariikhda laga dheehan karo.


Si kastaba ha dhacdee Sh Xasan waxuu go aansadey inuu heshiis la galo Xarkada Alshabaab oo ah wiilashii uu isagu soo barbaariyey waxuuna u arkey iney maslaxada Jihaadku halkaas ku jirto waxuuna caddeeyey inuu u taagan yahay una taagnaa mideynta walaalaha Mujaahidiinta.


Ugu danbeyn waxaan ka cudurdaareynaa qoraalkaas sida khaladka ugu baxey bogga waxaana illaahay waydiisaneynaa cafis .


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Caqliga iyo caadifadda
  Waddada Walaalnimada iyo Midnimada
  ERGO GUUR
  Qur’aan halgaad ah ! WQ Axmed Cabdi Samad
  Gooni isu-taagga tuulooyinka iyo jifooyinka [1]:WQ Axmed C/samad


Xayeesiis 25x250