KN: Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoog badan ayaa ka aloosan magaalada caasimada ah ee Xamar, iyadoo ay qax xoogan bilaabeen dadkii ku harsanaa xaafada qaar ee magaalada
Wararka la helayo ayaa sheegaya in garabyada iska soo horjeeda ay ciidamadooda heegan galiyeen, lana filan karro in daqiiqad kasta ay xabada bilaabato.
Markani waxaa dagaalka biloowgiisa laga filanayaa DKMG ah oo sheegtey in ay qaadeyso duulaan xoogan.
Xalayto waxaa la sheegey in aanan laga baryo galin Villa Soomaaliya oo isgaarsiinta iyo galaa baxa saraakiisha ciidamada uu waaga ka baryay, waxaa la sheegey in ciidamo la kala badalay, aagaga la kala geeyey, kuwa xarooyin ku jirey la geeyey goobo cusub.
Wixii kasoo kordha kala soco KismaayoNews oo hormuud ka noqonaysa qalabka warbaahinta ee tabinaya.