Meel 60 km u jirta magaalada Siyaloow (Isiolo) ee Soomaalidu degto, kun iyo qadar ciidamo oo Soomaaliyeed ayaa leeyli dhib badan oo ciidan loogu soo gabogabeeyey, xeradani waa tan ay ku tabobartaan ciidamada Ingiriiska. Xero kale oo ku taala meel u dhow magaalada Voi ee gobolka xeebta keenta Sanburu ayaa iyana sidoo kale ciidamo kale lagu tabobaray mudo bilooyin badan ah.
Saraakiil saxaafada ay la xariirtey ayaa sheegey in leeyliga uu dhamaaday, ciidamadana loo dhamaystirey qalabkooda iyo gaadiidkooda, wixii hadda ka dambeeyana ay diyaar u yihiin duulaan lagu qaado Jubooyinka .
Ciidamadani waxay leeyihiin hogaan uu madax ka yahay Col. Cabdi Mahdi, sidoo kale DKMG ah waxay maamulka Jubbaland u aqoonsantahay maamulkuu Cabdullaahi Yuusuf u magacaabay xiligii xabashida