Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Tuulada Ceel-Cali oo loo caleemo saaray Degmo

Published: 6 February 2010

KN : Waxaa hoostaga 11 tuulo, waxay leedahay Iskuul, idbitaal iyo dhamaan adeegyada bulshada, waxay ahayd tuulo ka tirsan gobolka Hiiraan, haatan waxay u dalacday darajada degmo ka tirsan Hiiraan, Xarakada Alshabaab ayaa maamuuskaasi siiyey Ceel-Cali


Haddii Puntland iyo Somaliland ay gobolo u magacaabi karaan 20km oo isku wareeg ah, sida Karkaar iyo Saaxil, maxaa diidaya in Ceel-Cali oo 11 tuulo xukunta ay u noqoto degmo?


Mas’uulka Alshabaab u qaabilsan arrimaha Siyaasada Sh. Cali Fiidoow iyo dadweyne kale ayaa ka qeyb galay munaasabada Ceel-Cali lagu caleemo saarayay, wuxuu mas’uulka sheegey in wixii maanta ka bilowda ay Ceel-Cali tahay degmo ka tirsan gobolka Hiiraan.


Caadi ahaan magaalada qaadanaysa darajada degmo waxay taasi ku timaadaa tirakoob lagu sameeyo dadka deegaankaasi ku nool oo ay tahay in tirro cayiman ay gaaraan, dhaqaalaha ay degmadaasi leedahay oo ay isugu filnaan karto, iyo in ay leedahay adeegyada asaasiga ah ee dadweynaha.


Ceel-Cali waxay ku taalaa xuduudka gobolka Hiiraan uu la leeyahay Bakool, gaar ahaan degmada Tiyagloow.


Soomaaliya oo xoriyadii kadib ahayd 8 gobol oo kaliya ayaa dowladii kacaanka waxay mar kaliya ku dartay 10 gobol oo kale oo laga gooyey goboladii horey u jirey, waxaa sidoo kale si xad dhaaf ah loo kordhiyey degmooyinka, burburkii kadib koonfurta dalka isbadal kama dhicin, laakiin maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa ku daray gobolo iyo degmooyin magic u yaal ah.


Waa markii ugu horeysey oo Alshabaab ay degmo u magacoowdo meel dalka ka tirsan, isla markaasina farrogaliso nidaamkii deegaanka ee horey u jirey, talaabadani waxaa lagu tilmaamay biloowga nidaam dowli ah oo ay Alshabaab Soomaaliya la dooneyso.








KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Afhayeenka Amisom (Xernashaha Wadada Dabka waxa masuul ka ah Alshabaab)
  Alshabaab oo uga digay Uganda in ciidan kale u soo dirto Somaliya
  Masuuliyiin Midowga Yurub ka tirsan oo kulan ku yeeshay Nayrobi Riisul wasaraha DKMG Somaliya
  Xubno masuuliyiin Midowga Yurub ka tirsan kulan ku yeeshay Nayrobi
  Madaafiic xalay ku dhacdey Xafado ka mid ah Xamar


Xayeesiis 25x250