Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Maxaa ugu dambeeyey wararka duulaanka DKMG ah?

Published: 7 February 2010
KN: Calanka Soomaaliya ayaa lagu xardhey baabuurta gaashaaman ee DKMG ah, Raadiyoow Muqdishoow waxaa loo sheegey in laga baahiyo  heeso wadani ah, xerada Jaziira ciidamada ku jira waxay sugayaan seeriga, laakiin warwar culus ayaa taagan



Waxaa soo kordheysa hubanti la’aanta ka jirta qabanqaabada dagaalka ee DKMG ah illaa heerka uu la’egyahay , dhowr jeer ayaa dib loo dhigey duulaanka daqiiqadii ugu dambeeysey, xaalada waxaa uga sii daraya mushaar la’aan heeysata ciidamada howlgalka ka qeyb qaadan raba.





Markii ugu horeysey maanta ciidamada DKMG ah ayaa lagu arkay wadooyinka iyagoo wata taangiyo oo aanan horey loogu arki jirin.





Wararka soo baxaya waxay intaasi ku darayaan in ciidamada xitaa ay ka cabanayaan xagga raashiinka, waxay sheegayaan in labbo xilli oo kaliya raashiinka la siiyo.





Xerooyinka qaarkood waxaa ka taagan jiho wareer iyadoo la’isku daray ciidamo aan is qaadan karin oo 3 qeybood ah, qeyb waa kuwii dibada lagu soo tabobaray, qeyb waa ciidamadii hore oo dhawaan la howlgaliyey qaarkood, kuwana waa maleeshiyaad tabobar yar heysta oo dowladii hore ka haray, qubarada ciidamada ayaa sheegaya in ciidamada qaarkood ay u baahanyihiin tabobarro dheeraad ah.





Hogaanka ciidamada ayaa iyana laga deeyrinayaa, dib u dhaca joogtada ah ee duulaanka waxaa la sheegey in uu dhaliyey niyad jab culus, hase yeeshee KN oo illo kala duwan la xariirtey waxaa loo sheegey in labbo arrimood dib u dhaca uu ugu wacanyahay, waxayna kala yihiin ciidamo ay ahayd in ay duulaan kusoo qaadaan gobolada qaarkood oo aanan wali diyaar ahayd, iyo DKMG ah oo wali sirdoon wacan aanan ka heynin xooga kasoo horjeeda





Wixii kasoo kordha kala soco KismaayoNews


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Masuuliyiin Midowga Yurub ka tirsan oo kulan kula yeeshay Nayrobi Riisul wasaraha DKMG Somaliya
  Wasiir DKMG ka tirsan kuna sugan Addis Ababa oo sheegay in Cidamo Itopiyan soo galidoonan Somaliya.
  Dadka u xiran DKMG ah oo sii kordhaya
  Isku dhac Khasaaro geystay oo ka dhacay Hobyo
  DKMG iyo Xoogaga Islaamiga oo guulo ka kala sheegtay Dagaalk Xalay ka dhaga Xamar.


Xayeesiis 25x250