Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Shacabka Jubooyinka oo loo sheegey “Hubkiina qaata oo jihaada”

Published: 7 February 2010

KN: Maamulka Islaamiga ee Jubooyinka ayaa shacabka gobolka kula dardaarmey in ay hubkooda gurtaan isla markaasina jihaadaan.


Gudoomiye xigeenka maamulka Alshabaab ee gobolka Sheekh Xusseen Cabdi Geedi ayaa shacabka kula dardaarmay in ay hubkooda qaataan iskana celiyaan saliibiyiinta duulaanka kusoo ah, “mid ka mid albaabada janada ayaa noo furmey” ayuu yiri Xusseen Cabdi Geedi.


Baaqan ayaa Alshabaab ka yimid kadib culeysyo isa soo taraya oo kaga imanaya duulaan la filayo dhawaan oo gobolka kaga soo wajahan dhanka Kenya, iyadoo la filayo in ciidamada dowlada Kenya ay ka qeybqaataan.


Dadka u dhuunduleela arimaha gobolka oo ku sugan Nairobi oo wariyeyaasha KismaayoNews ay la hadleen ayaa sheegey in baaqani uu yahay mid Alshabaab ay ku dooneyso in ay shacabka ku garabsato, astaana ay u tahay warwarka ka heysta awooda kusoo fool leh.  


Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xarakada ay haatan biloowdey isku dayo ay dadka kusoo jiidanayso iyo wacyi galin, iyadoo idaacada Andulus ee Kismaayo ay baahineyso barnaamijyo lagu soo dumayo quluubta dadka


Maamulka wuxuu sheegey in uu ka warheley xogta dagaal iyo duulaan lagu soo hayay gobolka, waxaa uu intaasi daray in maleeshiyaad Soomaali ah la keeney xadka, iyagoo ay wehliyaan ciidamada Kenya, sidoo kale maamulka waxa uu warwar ka muujiyey dayuuradaha Maraykanka ee Kismaayo dul haadaya.


Wuxuu maamulka balanqaaday in ay iska difaacayaan wax kasta oo weerar ah oo lagu soo qaado


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Masuuliyiin Midowga Yurub ka tirsan oo kulan kula yeeshay Nayrobi Riisul wasaraha DKMG Somaliya
  Wasiir DKMG ka tirsan kuna sugan Addis Ababa oo sheegay in Cidamo Itopiyan soo galidoonan Somaliya.
  Dadka u xiran DKMG ah oo sii kordhaya
  Isku dhac Khasaaro geystay oo ka dhacay Hobyo
  DKMG iyo Xoogaga Islaamiga oo guulo ka kala sheegtay Dagaalk Xalay ka dhaga Xamar.


Xayeesiis 25x250