KN: Yuusuf Xaaji, wasiirka gaashaandhiga
Wasiirka oo la hadlay warbaahinta
Si kastaba wararka aan heleyno oo la xaqiijiyey ayaa sheegaya in kuwa dhawaad 3000 oo ciidamamo Soomaali ah tabobarkii usoo dhamaaday qaarkoodna haatan la geeyey xuduuda, walina ay socoto daad gureynta.
Maamulka wilaayada Jubooyinka ayaa maanta sheegey in ay ka warhayaan maleeshiyaad Soomaali ah oo la keeney xuduuda, kuwaasoo duulaan ku ah Kismaayo.
Illo wareedyo
Sida ay tabisey KN shalay, ciidamadan ayaa ku kala jirey labbo xero oo mid ay ku taalo meel 60KM u jirta Siyaloow, xeredaasi oo ah mid ay leeyihiin ciidamada Ingiriiska ee Kenya, oo ay ku tabobartaan, caadi ahaan lagu sameeyo dhoolutusyada ciidamada Kenya iyo Britain, xerada kale waxay ku yaalaa meel u dhow magaalada Voi ee gobolka xeebta, waana keynta caanka ah ee Sanburu loo yaqaano.
Wixii kasoo kordha kala soco KismaayoNews