Wax aadan lahayn laguma waynaadoNin Been Hawaas lagu naanaysi jiray dhaqan uu lahaa dartiina ugu baxay magaca Been Hawaas ayaa maalin Ragg gaajaysan ku jiri xaafadii hebel waxaa ka jira Sab (Muraad) Raggii oo hamuun qaba ayaa is daba yaacay meeshii ayay sii istaageen raq iyo ruux way ka waayeen haddii ay xoogaa ka maqnaayeen Been Hawaas wuxuu is yiri taloow Raggii waa kan soo noqon waayaye armay Run tahay oo meesha Sab kugu dhaaftaa halkii ayuu orod kasoo qaaday Raggii uu lug'gooyay oo caro dibinta laalaadinaya ayuu ka hor yimid mar kaliya ayadoon laga hadlin ayaa gacanta la saaray ninba intuu awooday ayuu la gaaray Beentuu sheegay waxay dhaxal siisay dhibaato uu maalmo la jiifay .
Xukuumadda Somalia maalmahaan waxay af labadii ku sheegtay yar iyo wayna loo sheegay in la qaadi doono hawl gal ciidan oo sida lagu sheegay looga dan leeyahay in xamar laga saaro xoogaga kasoo her jeeda , taariikhda ciidan ee aduunyadan laguma hayo ciidan sirtiisa dagaal sheegay xittaa Buush Madaxwaynihii Maraykan ee maskaxda xumaa muusan sheegin saacadda uu weeraryo dalalkii uu bur buriyay , soo xukuumadda Somalia kama maskax xuma Bush iyo baalashiisii dagaalka , Saydikii Daraawiish markuu ka hadlayay xeeladaha Dagaalka wuxuu reebay murtida oranaysa - Ninkaad dilli, ninkaad dagi, ninkaad dabin u qoolaysid- Waa laysu kala daadiyaa, yuunu kaa didine,Marna ma jecli inay laba Somali ah ay birta isu qaataan dhiigoodana daadiyaan si cadawgu ugu wiirsado maydka iyo dhaawacoodana loo waayo meel lagu kala sooco ma qurxana inaad noqotid kaligiis wax garte kaligiis tashade ,kaligiis wax aqoon , kaligiis aqoon yahan , kaligiis awood sheegte , arimahaas waxay gaar u yihiin Eebe wayne, isagaa maamulka adduunka cidina ku haysan oon cidna kala tashan sida wanaagu ku jiro waa inaad noqotid qof wax qaata wax maqla sida aad u jeceshay in la qaato oraahdaada ayay u wanaagsan tahay inaad kan kale maqashid wuxuu qabo hadii ay wanaag tahayna aad qaadatid haddii kale isku day inaad qancisid wax sixudana maahan inaad qalabka warbaahinta ka shaacisid qofka ku diidan afkaartiisa qaloocan.
Dhaqanka somalida waaydaan danbe kusoo badanaya waa tayda raac taada diiday haddii ay afar ruux oo Somali ah laga tala galiyo gabar la bixinayo asii mid diido 3 isku raacaan kaas wuxuu la istaagayaa looma dhama arintaas lagumana heshiin , caqligiisa ma garan in dadka intii badnayd isku dhinac yihiin fikirkiisuna uusan lahayn dad badan oo ku qanca , si xishood ka fog yahay ayuu u sheegayaa in arintaas aanan loo dhamayn isla markaasna la afduubay gabadhaas oo lagu qasbay nin aysan raali ka ahayn !! hadda waa dad os doortay iyana diyaar ayay u tahay inay si xalaal ah ula qaadato nolosha inta u harsan .Culumada Islaamka marka ay wax isku qabtaan nin kasta oo caalim ah wuxuu sheegaa in sheikh hebel sidaas qabo asaguna uu sidaas qabo wuxuu aradadiisa ku waaniyaa inay raacaan meesha badanka culimadu isku raacaan maxaa yeelay sheekha caalimka ahi wuxuu garanayaa in hadalkiisu uusan ahayn waxyi xag Eebe ka imaanaya , wuxuu og yahay in haddii culimada badankood dhinac noqdaan in laga saxan yahay oo uu fikirkiisu qaloocnaan karo .
Xukuumadda Somalia waxaa ku jira Ragg badan oo wanaagga jecel iyo kuwo aan marna jeclayn in heshiis waara la gaaro in nabadi ka dhacdo dhulka in heshiis lala galo dhaq dhaqaaq yada hubaysan ee aragtidooda iyo awoodooda ba le waxay Raggaas isku qanciyaan inay ''Beesha Caalamka'' ilaalinayso kuna dhawrayso safarada iyo socdaalada aan milgada lahayn ee la isaga gooshayo qaaradaha , waxay dan moodeen mushaarka ay bixiso UNDP iyo dawladaha sheega inay Deeq bixiyaaan .Hoggaamiha wanaagsan wuxuu tix galiyaa marka 1 aad ilaa 100 aad taageerada Shacabkiisa sida ay mar walba raali uga noqon karaan xukunkiisa sida ay u jecelyihiin Hogaankooda laakiin kuweena Beesha Caalamka ayaa 1 ah , inta Dawlad Adduunka ka jirta waxaa ugu xun aragtidayda Yuhuudda Hogaamadooda marna afkooda ma soo marsiiyaan Beesha Caalam iyo waxa Somali rogay , shacabka reer Israel Umada Yuhuudda iyo erayo uu Hogaamiyu ku beer laxawasanayo shacabkiisa maxaa yeelay iyaguu wax ku yahay , Earayga Beesha Caalamka waxaan garan waayay Halka uu Qaamuuska kaga jiro .Xukuumadda Shariif Raggeeda waxay maalin iyo habayn nagu sabaan in Beesha Caalamku taageerto , waa runtood maxaa yeelay ayagaa Doortay ee Shacabka Somaliyed ma dooran , intay sidaa u Caabudaan Beesha Caalamkana waa Gartood ee gaf ma ahan maxaa yeelay ayagay wax ku noqdeen ayagaana doortay ayagayna malahayga matalaan .
Anqaastii Aadam Zaki Aadan17@yahoo.com
| LA XIRIIRA |
| Caqliga iyo caadifadda |
| Waddada Walaalnimada iyo Midnimada |
| ERGO GUUR |
| Qur’aan halgaad ah ! WQ Axmed Cabdi Samad |
| Gooni isu-taagga tuulooyinka iyo jifooyinka [1]:WQ Axmed C/samad |