KN: Axmed Cabdisalaam Adan, maxaad ka taqaanaa shaqsiyadiisa iyo qorshayaashiisa? Qormadani waxaan daaha oga rogeynaa xogta farakutiska ah ee laga hayo ninkani 10ka baac duugan.

Dabayaaqadii sagaashameeyadii, xilli Soomaaliya ay lugaha kula jirtey saabkii hogaamiye kooxeedyada, meel aduunka ka mid ah waxaa qalinka iyo warqada isku dul xariiqayay rag Soomaali iyo ajaaniib ah oo ay dowladaha reer galbeedka saacidayeen oo doonayay in isbadal ay ka sameeyaan Soomaaliya.
Dowladaha qorey taariikhda aduunka ee casriga ah mar kasta waa ogaayeen in xalka Soomaaliya uusan ahayn xoog isbadal looga dhaliyo, gaar ahaan iyadoo maanka lagu hayo wixii dhacay 1993-dii markii la liqey askartii maraykanka. Waxay rabeen nidaam calmaani ah oo aan diin shaqo ku lahayn xilli kacdoon islaami ah uu dalka ka xoogaysanayay.
Xiliga qorshaha lagu jirro waa mar awooda warbaahinta ee aduunka si wanaagsan loo tijaabiyey oo ay muujisey in lagu gaari karro isabalada la doonayo. Waxaa la’isu keeney rag qubaro ah oo muddo baddan ka doodayay dariiqa haboon, ugu dambeyntii waxaa la go’aamiyey in wax aan saxaafad ahayn aanan Soomaaliya looga dhalin karin isbadal.
Fikirkaasi ma ahayn mid ay ku qaldanaayeen, balse meesha meeysan soo dhigan waxa uu noqonayo isbadalka ay doonayaan iyo waxa ka dhalan karra, muhiim ma ahan in aan wax baddan ka sheegno qorshahaasi iyo waxa uu dhalay, ee muhiimadu waxay tahay in aan waxoogaa ka ifino lugta uu qorshahaasi ku lahaa ninkii mashruuca oo dhan gacanta loo galiyey.
Xilli la filayo in ay tahay dhamaadkii 1998-dii ayaa la meelmariyey mid ka mid mashaariicdii ugu waaweyneyd ee ebed Soomaaliya laga fuliyo ee warbaahineed, waxaa la qoondeeyey malaayiin doolar oo mashruucani loo isticmaalayo muddo 10 sanno ah, mashruuca waxa uu lahaa dhowr farqo, mid ka mid ah waxay ahayd in Soomaaliya laga hergaliyo qalab warbaahin oo xoog baddan oo lagu kasbado quluubta dadka kadibna si aan la fahmeynin loogu gutto danaha laga leeyahay, cidda la rabana sumcada looga dillo, cidda wax lala doonayana lagu soo caan bixiyo oo lagu siiyo darajo iyo xil uusan bulshada ka kasban, si hadhoow dalka xukunkiisa loogu dhiibi karro.
Axmed Cabdisalaam Aadan wuxuu ka mid ahaa ragii mashruucani qeybtiisa ugu weyneyd qaatay, sanadii 1999-kii ayuu Xamar ka degey isagoo watta in idaacad FM ah laga hergaliyo magaalada, taasi ma ahayn arrin adag mana ahayn mid sahlan, magaalada meeysan ka jirrin wax idaacad ah, dadka waxay ku tiirsanaayeen wargeysyada oo iyagana tirro yaraa, magaalada waxaa ka talinayay hogaamiye kooxeedyo marnaba aan aqbalaynin in wax aan dacaayadooda ahayn laga hergaliyo magaalada.
Axmed oo adeegsanaya mooryaanta beeshiisa ah ayay u suurogashay in uu samaysto ciidan iyo illaalo hubeysan oo illaalisa danaha uu Xamar ku yeelanayo, isaga shaqsi ahaan diyaar uma ahayn in uu Xamar dhexfariisto oo uu idaacada Agaasime ka noqdo, dadkii uu ka codsaday in ay idaacada agaasime ka noqdaan waxaa ka mid ahaa Cabdi Xaaji Goobdoon oo ahaan jirrey agaasimihii idaacadii qaranka ee Radio Muqdisho.
Sida uu Goobdoon laftiisa ka sheegey mar sii horeysey siminaar ay BBC-da qabanqaabisey oo lagu qabtay naadiga saxaafada Soomaaliyeed ee Xamar, waa uu diidey in uu agaasime noqdo, balse wuxuu ku tabborucey tallo iyo magaca idaacada la siinayo oo noqdey Horn Afrik, wallow uusan sababta uu u diidey sheegin, haddana meesha lagama saari karro in Goobdoon oo ahaa sargaal sare uu wax uun ka ogaaday qorshaha laga leeyahay idaacada, waxa ugu sahlan ee uu qaban karay xiligaasi waxa ay ahayd in uu naftiisa ka illaaliyo.
Dhamaadkii sanadkaasi ayay Amxed Cabdisalaam u suurogashay in Horn Afrik ay hawada gasho, noqotana idaacadiii ugu horeysey ee magaalada ka hadasha 10 sanno oo dalka dowlad la’aan ku jirrey.
Idaacada waxa ay naasnuujintii ugu weyndeyd ka heshay BBC-da oo ahayd qalabka warbaahineed ee kaliya ee Soomaalida ku xirantahay, waxay kala saxiixdeen heshiisyo dhigaya in barnaamijyada BBC-da ka baxa laga siidaayo Horn Afrik, BBC-du mashruuca wax ayay kaga jirtey.
Idaacada barnaamijyada ka baxayay 90% waxay ahaayeen kuwa buunbuuniya hogaamiye kooxeedyadii magaalada heystey, waxay soo caan bixisey kuwa cusub, waxay bulshada bartay dad la yiraahdo Ururada bulshada rayidka ah oo aan tirro lahayn, gaar ahaan ururo ay leeyihiin haweenka, dadka wax laga dhagaysto waxay noqdeen hey’ado lagu magacaabo xuquuqul insaanka, iyo kuwa kale oo aad u tirro baddan, barnaamij kasta oo idaacada ka baxay wuxuu ahaa mid qorsheysan oo dan gaar ah lagu gaarayo, xittaa barnaamijyada la’is leeyahay shacabka ayaa loogu danaynayaa waxay ahaayeen kuwa lagu dhexdaro waxyaalo weecinaya ujeedka wanaagsan kolleey xasiis ahaato. Haddii daqiiqad ka hor aad dhagaysanaysay aayado qur’aan ah waxaa lagu xijinayaa heeso iyo muusig.
Waxyaalihii ugu horeeyey ee dadka waxgaradka iyo culimada ay ku baraarugeen waxaa ka mid ahaa markii idaacada ay bilaawdey tabinta barnaamijka BBC-da laga soo duwey oo lagu faafinayo diinta masiixiyada oo afka English-ka ku baxaya.
Idaacadu ma lahan meel gaar ah oo loogu tallo galay in salaada lagu tukado, kaaga darane waa ka mabnuuc, sida ay sheegeen wariyeyaal baddan oo idaacada kasoo shaqeeyey Axmed Cabdisalaam ayaa shaqsi ahaan isu hortaagay in wax moowlac lagu tukado ah laga hergaliyo dhismaha ay idaacada ku taalo.
Waxa kasii daran waxaa ka mid ah sheeko layaab leh oo aan kasoo xiganay wariye ka shaqeeyey idaacada , wuxu yiri “waxaa jirta meel salax (ismiid) ah oo meel ka mid ah xeebdaabka idaacada ku taala, halkaas ayaan ku tukan jirney, maalmo yar kadib waxaan aragnay meeshii oo oolyo lagu malaasay, waxay ahayd arrin aan la yaabnay” wuxuu saxafigani sheegey in ay ku tukan jirreen meelaha banaan ee ay gawaarida ka baxaan.
Xeebdaabka intiisa baddan waa meel ubax lagu beerey, iyo meel gawaari la dhigey, goobtii illaahay lagu caabudi lahaa waxaa ka qiimo badnaaday gaari iyo ubax.
Marka wiil iyo gabar shaqo idaacada kasoo wada doontaan waxaa ahmiyada la siin jirrey gabdhaha, in gabdhaha ay dhar gaagaab xirtaan, oo waliba qaawanaan ah idaacada kama ahayn wax reeban, tusaale ahaan gabadha warka ka aqrisa TV-ga tinteedu waa mid qaawan, gabadhaasi waa xaaska Axmed laftiisa.
Waxaa arrin ay wariyeyaasha oo dhan isku waafaqsanyihiin ah in xiliyada salaada ay idaacadu ahayd gooraha ay shaqada ugu baddantahay, barnaamij kasta oo xiiso leh waxaa lagu aadinayaa xiliga salaada, gaar ahaan duhurka, taasi shaqaalaha kaliya meeysan mashquulin jirrin ee xittaa dhagaystayaasha ayay mashquulin jirtey, waxaad xasuusataa barnaamijkii xogwaran oo bixi jirrey 7 saac oo duhurnimo xiliga salaada lagu jirro, wuxuu ahaa barnaamij dadka ay jeclaayeen oo aad dhagaysigiisa u baddanyahay, waxaa dhici jirtey in dadka qaarkood ay salaada jameecada ka baaqdaan si uusan barnaamijkaasi u dhaafin.
Inka baddan 100 mar Axmed afkiisa waxaa laga xirtey in uu yiri “war maxaad u foorfoorarsanaysaa, oo aad iska daalineysaa, maad hoowshaada qabsatid” markani waa marka uu arko qof tukanaya oo xafiisyada dhexdooda ku tukanaya.
Wallow qorshaha la lahaa uu si tartartiib ah u socdey markii hore wuxuu si weyn usoo shaac baxay markii Horn Afrik ay furtey idaacad kale oo loogu magac daray Capital Voice (codka caasimada), idaacadani waxaa laga baahin jirrey si toos ah barnaamijyada ka baxa idaacada VOA ee codka Amerika, waxay lahayd barnaamijyo caanbaxay oo afka Soomaaliga ku baxa.
Waxaa ugu caansanaa barnaamij loogu magac daray Hoodi Hoodi oo uu daadihin jirrey Mahad Axmed Cilmi, ninkani oo aan lahayn aqoon saxaafadeed oo Formal ah waxa uu muddo sanooyin ku noolaa dalka K/Afrika, Axmed Cabdisalaam ayaa kasoo kaxeeyey dalkaasi kadibna ka dhigey agaasimaha Capital Voice.
Waxyaalaha barnaamijkani Hoodi Hoodi uu la yimid ee ay dadka layaabeen waxaa ka mid ahaa in Mahad marka qofka uu taleefoon ka Waco iyadoo hawada ay idaacada ku jirto wuxuu ku salaami jirey “hoodi”, marka qofka uu yiraahdo “Asalaamo Calaykum” wuxuu oran jirrey “Hoodi, soo daa hadalkaada”, wuxuu 100% dhiiragaliyey in aanan la isticmaalin salaanta islaamka illaa heer dadka magaalada qaar ay bilaabaan in ay isku salaamaan “hoodi”, Mahad oo aan lagu arki jirrin meelaha masaajidada ee lagu cibaadeysto ayaa aakhirkii rag hubeysan oo wajiga u duuban ay dilleen.
Intii uu joogey idaacada waxaa si joogto ah u gaari jirrey fariimo mujaahidiinta ka yimaada oo loogu sheegayo in ay ka waantoobaan waxyaabaha qaarkood, waxaa lasoo wariyey in Macalin Aadan Xaashi Ceeyroow marar baddan laga celiyey in uu weerar ku qaado idaacada, xiligii maxaakiimta idaacada waxaa si gaar ah ayaa loogu soo rogey sharciyo waxaana agaasimeyaasha looga diggey in ay baahiyaan barnaamijyada gaar.
Barnaamij dood culus dhaliyey oo xittaa lagu sigtey in idaacada la weeraro wuxuu ahaa mid looga hadlayay arrimaha galmada oo hawada laga sheegayay sida raga iyo dumarka isugu galmoodaan, kuwa kale ee doodaha baddan dhalin jirrey waxay ahaayeen barnaamijkii Caweyska iyo mid loo bixiyey Barbaarta oo dhamaantood dhiiragalin jirrey anshax xumada iyo dhaqanka reer galbeedka, midkood waa Caweyskee wuxuu bixi jirrey habeenbarkii oo dhalinta waa ay usoo jeedi jirreen dhagaysigiisa.
Axmed Cabdisalaam wixii gadaal laga riixaba waxaa la keeney illaa heer la’isku dayo in tallada dalka oo dhan isaga gacanta loo galsho, illaa shirkii 2004 ee Nairobi dowladii Cabdulaahi Yuusuf lagu soo dhisey Axmed waxa lagu waday in uu xil weyn ka qabto Soomaaliya kana dhiso dowlad calmaani ah oo u eg sida Turkiga oo kale, qorshahaasi wuxuu ku dhawaaday in uu hergalo markii Nuur Cadde uu u magacaabay ra’isulwasaare ku xigeenka, kadib Axmed waxa uu hubanti ka dhigey in uu Nuur Cadde ku riixo shirkii Jabuuto ee iminka soo dhamaaday, nasiib wanaag Axmed wax xil ah lagama siinin dowladani .
Qorshihiisa waxa uu ahaa in muddada labbada sanno ah xilka madaxweynenimada loo doorto Nuur Cadde isagana wax kasta gacanta u galaan, dalbado ciidamo shisheeyo oo xoogan, kala jabiyo mujaahidiinta, kadibna dhiso dowlad calmaani ah oo xididada u siibta astaamaha diinta, isagana uu xilka kala wareego Nuur Cadde, hase yeeshee qorshahaasi waxaa fashiliyey Sh. Shariif oo la sheegey in uu balantii ay isku ogaayeen oga baxay.
Waxaa la sheegey in Axmed oo ay tallo ku cadaatay, isla markaana saxaafada ka dhuuntey uu dalxiis tamashleyn ah u tagay mid ka mid ah wadamada aduunka si uu isu hilmaamsiiyo waxa qabsaday, laakiin wuxuu xilli kasta diyaar u yahay in uu saaxada siyaasada dib usoo galo isagoo isticmaalaya magaciisa iyo xilalka uu soo qabtay.
KismaayoNews.com