Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Shareecadu Makala taqaan Shariif iyo Sheydaan. WQ Cali-Daahir X Muxammad

Published: 3 February 2009
 



Shareecadu Makala Taqaan


Shariif & Shaydaan




W/Q: Cali-Daahir X Muxammad


mohiyadin@hotmail.com




بِسْمِ اللهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيْمِ الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ


والصَّلاةُ والسَّلامُ عَلَى نَبِيّناْ مُحَمَّدٍ وَآلِهِ أجْمَعِيْنَ.




La jiifiyaana bannaan


&


jaantaa rogan!






Sida lawada ogsoon yahayba sharecada islaamku waa mid ku dhisan caddaalad u wada dhaxaysa makhluuqa Alle SW. Sidaa darteed shareecada akteeda kama shaqayso wax layiraahdo la jiifiyaana bannaan iyo jaantaa rogan.




Haddii maanta uu shariifkii maxkamadaha uu ogolaaday in ciidamo aan kala sooc lahayn la keeno wadanka, shalayna ay gaalnimo ahayd markii dowlad ku sheega iyo baarlamaankeeda ay lahayeen waxaa loo codeeyay in lakeeno ciidamo aan kala lahayn saf hore iyo saf danbe uuna ku dhawaaqay shariifka hadda isku magacaabay baarlamaanka xorta ah. Taa macnaheedu sow ma’ha lajiifiyaana banaantii aan dusha kusoo xusay.




Sidaa darteed haddii aad ku adkaysataan mowqifkaa baadilka iyo gaalnimada ku dhisan shaki waxaan lahayn in xukumka shareecada aad u siman tihiin idinka hadda raba in aad gaalo wadanka kusoo hogaamisaan iyo kuwii hore ee ilaa iyo hadda xal loo la’ yahay dhibaatadii ka dhalatay soo gelintii ay gaalada wadanka soo geliyeen.




Waxaan walaalaha muslimiinta ah ee soomaaliyeed gaarsiin lahaa in mar walba oo guushu soo dhawaataba aadan ogolaan in si sahal ah aad uga tanaasushaan mirihii ka dhashay halgankii lala galay gaalada dibna aan laidinku celin god dheer oo laguugu maquuniyo dastuur ku dhisan cilmaaniyad kasoo burqata kufri iyo ilxaad.




Qofka wadan islaam kusoo hogaamiyo gaalada xukumkiisa inuusan shariif iyo shaydaan kala lahayn kitaabka aan ka qoray isaga oo kooban hoosta ka aqriso.










يَاْجَاْلِبَ الْكُفَّاْر ِكَفَرْتَ




Gaalo Soo Geliyow


Waad Gaalowday




 


وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ مِِّنْكُمْ فَإنَّهُ مِنْهُمْ / الآية


المائدة / 51 




W/Q: Cali-Daahir X Muxammad


mohiyadin@hotmail.com




Kitaabka Oo Kooban




بِسْمِ اللهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيْمِ الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ


والصَّلاةُ والسَّلامُ عَلَى نَبِيّناْ مُحَمَّدٍ وَآلِهِ أجْمَعِيْنَ.




Kitaabkan waxaan kaga warami doonaa haddii Alle idmo mowduuca beryahan danbe sida xawliga ah ku socda ee loo yaqaan:


موالاة الكفار


Taa oo ah in gaalada la jeclaado, saaxiibo iyo xigtana laga dhigto, loogana hiiliyo dadka muslimiinta ah isla markaana gaashaan buur lala samaysto iyada oo lagu waxyeelaynayo dad muslimiin ah, mar walbana la fulinayo danaha gaarka ah ee ay gaaladu ka leeyihiin wadamada islaamka, hadday ahaan lahayd xag diin iyo xag aduunba.





Kadib markii ay gaaladu ku fashilantay dagaalkii foolka-foolka ahaa ayay waxay qaadeen dariiq kale oo ah in la adeegsado kuwo wax ma garato ah danna aan ka lahayn diin, dad iyo dalba. Taa oo u suurta gelisay inay kaga filnaadaan wixii dhibaato ahaa ee kasoo gaari jiray intii lakala soocnaa ee muslimiin iyo gaalo lakala ahaa. Horaana loo yiri: Gudiney Ima Goyseen Hadduusan Gabalkay Kugu Jirin.


Inta hawshaa is gaashaan buursiga baadilka ku dhisan lagu guda jirana wixii dhibaato ah ee dhimasho ama dhaawac ee shacabkaa muslimiinta ah soo gaarana laisma waydiiyo, haddiise dhanka gaaladu wax yar soo gaaraanna waa loo baroor diiqi warbaahinnadana waa lagu buun-buunin. Waana siduu shaacirku yiri:


قَتْلُ امْرئٍ فِيْ غَاْبَةٍ جَرِيْمَةٌ لاْ تُغْتَفَرْ


وَقَتْلُ شَعْبٍ بِأَكْمَلِهِ مَسْئَلَةٌ فِيْهَاْ نَظََرْ.




Hal qof oo lagu dilaa hawd (duur cidla ah) waa danbi wayn oo aan la dhaafi karin, dilse loo geystay shacab idaylkii waa arin ka fiirsasho leh.




Marka ugu horaysa haddii la waydiiyo kuwaa wadanka gaalada soo geliyay. Maxaad wadanka gaalada kala soo doonteen oo aad dadka muslimiinta ahna aad ugu baabi’seen? Jawaabtoodu waa wadanka ayaan amnigiisa ku sugaynay gaaladaa IWM oo been iyo waxba kama jiraan ah.




Waxaase dhab ah qof walibaana uu garan karaa in nabaddii jirtay xilligii aad gaalada wadanka soo geliseen aysan ebad soo marin Soomaaliya. Laakiin qof waliba oo raba inuu xumaantiisa qariyo magac qurxoon ayuu ku shaabadeeyaa. Waana middii uu Rasuulku SCWW uu inoogaga waramay inay imaan doonaan dad u bixiya waxyaabaha aan shareecada ku banaanayn magacyo wanwanaagsan si loo aqbalo. Wuxuuna Rasuulku SCWW uu yiri:




إِِنََّ نََاْساً مِنْ أُمَّتِيْ يَشْرَبُوْنَ الْخَمْرَ يُسَمُّوْنَهَاْ بِغَيْرِ اسْمِهَا .


رواه أحمد / صحيح / الصحيحة / 414




Dad ummadayda ka mid ah ayaa cabi doona khamriga waxayna u bixin doonaan (oo ay Ku magacaabi doonaan) magaceeda magac aan ahayn.




Balse sida aad filayseen oo aad jeclaydeen Alle SW arinta kama dhigin. Qorshihiinuna wuxuu ahaa qof kasta oo astaan diineed leh in wadanka laga tir-tiro si inta hartana lagu yiraahdo kaalaya oo gaalada dhaantada u ciyaara kadibna Allow i bixi ay ka dhacdo. Waana muhimmada ugu wayn ee gaalo idiin soo maal gelisay, rag baase Alle SW tala saartay oo gaashaanka idiin daruuray.


 


Sidaad u lahaydeen waa afar wadad ee hala soo qab-qabto ayaa waxaa idinku dhacay wax aydaan fillayn. Siduu shaacirku yiri:




إذا رأيت نيوب الليث بارزة فلا تظنن أن الليث مبتسم


Haddaad aragto miciyo libaax soo muuqda


Ha moodin libaaxu inuu dhoolla cadayn  




In gaalada looga hiiliyo dad muslimiin ahna waa arin gaalnimo iyo diin kabax ah. Siduu Allaah SW uu yiri:


يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَتَّخِذُواْ الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاء بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ / المائدة / 51


Mu’miniineey haka yeelanina Yuhuudda iyo Nasaarada sokeeye ( Aad jeceshihiin ) ( Maxaa yeelay ) qaarkood qaarka kale buu xigaa, qofka ka yeesha sokeeye oo idinka idiinka mid ahna iyaguu ka mid yahay, Allana ma hanuuniyo dad daalimiin ah ( oo gaaloobay )





Sh. C/Casiis Ibnu-Baaz RC wuxuu aayadan kala soo dhex baxay fatwo aad cabiri karto fiqiga Alle SW uu ku manaystay Sheekha RC wuxuuna yiri:


وقد أجمع علماء الإسلام على أن من ظاهر الكفار على المسلمين وساعدهم بأي نوع من المساعدة فهو كافر مثلهم كما قال تعالى: يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَتَّخِذُواْ الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاء بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ / المائدة / 51


فتاواه / 1 /274 


Waxay ku ijmaaceen ( Oo ay ku kulmeen iskuna raaceen ) culimada islaamka ruuxii gaalada uga hiiliya muslimiinta ( Oo gaalada la jirsada ) isla markaana taageera ( kaalmeeya oo u gargaara ) nooc walaba oo kaalma ah ( Af, adin ama dhaqaale ) qofkaasi waa gaal iyagoo kale ah ( Gaalka uu taageerayo iyo isaga taageerayaba waxba kuma kala duwana oo waa isku mid ). Kadibna aayadii buu akhriyay sheekhu RC.


Waana fatwadii uu cuskaday Sh. Albaani RC kolkii Wax laga waydiiyay dagaalkii khaliijka ee ciraaq lagu duulayay 1990kii wuxuuna yiri fatwadan toosan ee sh Ibnu-Baaz RC waxaa laga qaadanayaa laba arin midood. Wuxuuna yiri sheekhu RC:


إما أن يكون الذين استعانوا بالكفارليسوا مسلمين ، وإما أن يكون المستعان بهم هم من المسلمين.


أشرطة الشيخ / 461


In kuwa kaalmaystay gaalada ( kuwaa uu sheehku sheegayana waa xukuumada sucuudiga ) aysan muslimiinta kamid ahayn, ama kuwa la kaalmaystay ( Oo ah Ameerikaan Iyo Ingiriis ) ay muslimiinta kamid yihiin ( Labadaa arimood waxba kama dhaxeeyaan )


Waliba Sh. Naasir wuxuu intaasi raaciyay: Hadduusan muwaalaadkii lagu gaaloobaayay uusan midkaan ahayn, maba jiro muwaalaad lagu gaaloobo. Haddii Alle idmana fatwadii oo dhammaystiran kitaabka dhexdiisa ayaad ugu tagi doontaa.


Xattaa haddii ay hadda soo islaamaan Ameerikaan iyo Ingiriis u shafeeca qaadimayso xukuumadaa Sucuudiga marka miisaan la saaro fatwada sh. Naasiru-Diin Albaani RC, maxaa yeelay shardigu wuxuu ahaa kolkii ay kaalmaysanayeen Ingiriis iyo Ameerikaan muslimiin ma ahaayeen labadaa dowladood ee kufaarta ah? Jawaabtu waa maya. Sidaa darteed ma naqaan meel qiil looga raadiyo xukuumadaa uu ridada ku xukumay Sh Albaani RC. Taana kama dhalanayso in ay shacabka xukuumadaa hoos tagta ay gaaloobeen sida khawarij ama takfiiriyiin qolada loo yaqaan ay tiraahda oo kale:


إذا كفر الراعي كفرت الرعية


Hadduu xaakimku gaaloobo bulshada uu xukumaana way la gaaloobi


Waxaa sidoo kale horay u daliishaday Ibnu-Xazam RC aayadaa inay ijmaac tahay qofka gaalo taageera oo muslimkana ka hiiliya. Wuxuuna yiri Sheekhu RC:


صح أن قوله تعالى : ومن يتولهم منكم فإنه منهم : إنما هو على ظاهره بأنه كافر من جملة الكفار , وهذا حق لا يختلف فيه اثنان من المسلمين / المحلى / 11/138



Sida saxda ah waa in aayadaa daahirkeeda loo daayo ( Oo aanan waxba laga leexinin tafsiirkeeda ) Maxaa yeelay ( Waxay aayadu tilmaamaysaa qofkaa gaalada ka wali yeeshay inuu yahay ) gaal duu-duub ahaan usoo hoos galaya gaalada ( Oo iyaga gaalada ah ka tirsan ) Waana xaq ay laba muslimiinta kamid ah aysan isku khlaafin.


Sh Axmad M Shaakir RC baa sidoo kale fatwo ku dhisay isla aayadaasi:


يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَتَّخِذُواْ الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاء بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ / المائدة / 51


Wuxuuna soo saaray Risaalo uu ku magacaabay:


كلمة الحق


Kalimaddii Xaqqa Ahayd


Risaaladaa uu ku caddaynayay dadka lasocday ingiriiska iyo faransiiska oo xilligaa masar iyo buldaan kale oo muslimiin leedahayba duulaan ku ahaa inay diinta ka baxeen. Wuxuuna Sheekhu RC baabkaasi uu cinwaan ugaga dhigay:


بيان إلى الأمة المصرية خاصة وإلى الأمة


والإسلامية عامة / 149 العربية




Bayaan ku socda ummadda reer masar gaar ahaan, ummadaha carabta iyo muslimiintana caam ahaan.




Kadibna Sheekhu RC wuxuu yiri:


أما التعاون مع الإنجليز, بأي نوع من أنواع التعاون, قلّ أو كثر, فهو الردّة الجامحة, والكفر الصّراح, لا يقبل فيه اعتذار, ولا ينفع معه تأول, ولا ينجي من حكمه عصبية حمقاء, ولا سياسة خرقاء, ولا مجاملة هي النفاق, سواء أكان ذلك من أفراد أو حكومات أو زعماء. كلهم في الكفر والردة سواء, إلا من جهل وأخطأ, ثم استدرك أمره فتاب واخذ سبيل المؤمنين, فأولئك عسى الله أن يتوب عليهم, إن أخلصوا من قلوبهم لله لا للسياسة ولا للناس.


In la kaalmaysto Ingiriiska nooc walba oo kaalmaysi ah ha yaraado ama ha badnaado waa diin kabax aad u daran, iyo gaalnimo cad, aanan aqbalaynin cudurdaar, aanan anfacaynin tafsiir ( khalad ah oo aad adigu ka fahantay ) kumana badbaadayo qofka ay ku xambaartay qabyaalad doqonnima ah, iyo siyaasad indha la’aan ah, mujaamalo ( isjeclaysiin aan waxba ka jirin ) oo munaafaqad ah, waana isaga mid arinkaa qof-qof ama dawlado, ama madax ( noocuu doonno ha ahaado, sida madaxda qabaailka ama xukuumadda ) dhammaantood gaalnimada iyo diin kabixiduba way u siman yihiin, oo aan ka ahayn qofka jaahilka ka ah ee khaladamay kadibna isdaba qabtay ee tawbad keenay kadibna qaaday jidkii mu’miniinta kuwaasu waxaa suurowda in Alle uu ka tawbad aqbalo haddii ay Alle u khaalis yeelaan quluubtooda oo aysan ka ahayn mid siyaasad ku dhisan ama dad ku raali garayn. Wuxuu intaa sii raaciyay:


Waliba Sheekhu RC wuxuu aad uga waaniyay muslimiinta rag iyo dumarba inay ogaadaan kuwaa gaalada soo raacay ay xaasaskii kala furmeen oo halkaasi nikaaxoodii uu ku buray wax ka dhaxeeyaana ma jiraan haday ahaan lahayd nasab iyo dhaxal midna kama dhexeeyaan. Qofkase tawbad keena oo iyaga kamid ah isla markaana cadawga la dagaalama ummadana u gargaara wali isuma ahaanayaan reer is qaba ilaa la sameeyo nikaax cusub. Iyo waliba inay iska hubiyaan inta aanay guursan inuu kamid yahay qoladaa la tuuray ee ridoday. Wuxuu kaloo sheegay Sheekhu RC haddii qof dumar ah ay ku raali noqoto sidaana xaas ugu ahaato iyaduna way raaci oo diinta way ka bixi. Alle baan nabad waydiisanaynaa. Fatwadaa iyada oo dhammaystiran waxaan kusoo guurin doonaa haddii Alle idmo isla kitaabkan gudihiisa. Inta yare ee aan idiin soo koobayna waa tan hoosta ku qoran. Qofka dheeraad rabaana websaydyada soomaalida baan u diray hadda ka hor qofkii rabaana xagaa haka raadsado maqaalka aan ku magacaabay:


Way Gaaloobeene Kala Guura.


ألا فليعلم كل مسلم وكل مسلمة أن هؤلاء الذين يخرجون على: دينهم ويناصرون أعدائهم, من تزوج منهم فزواجه باطل بطلانا أصليا, لا يلحقه تصحيح, ولا يترتب عليه أي أثر من أثار النكاح من ثبوت نسب وميراث وغير ذلك. وأن من كن منهم متزوجا بطل زواجه كذلك, وأن من تاب منهم ورجع إلى ربه وإلى دينه, وحارب عدوه ونصر أمته, لم تكن المرأة التي تزوج حال الردة, ولم تكن المرأة التي ارتدّ هي في عقد نكاحه: زوجا له ولا هي في عصمته وأنه يجب عليه بعد التوبة أن يستأنف زواجه بها, فيعقد عليها عقدا صحيحا شرعيا, كما هو بديهي واضح.


 


ألا فليحتط النساء المسلمات, في أي بقعة من بقاع الأرض, وليتوثقن قبل الزواج من أن الذين يتقدمون لنكاحهن ليسوا من هذه الفئة المنبوذة الخارجة عن الدين, حيطة لأنفسهن ولأعراضهن, أن يعاشرن رجالا يظنونهم أزواجا وليسوا بأزواج, بأن زواجهم باطل في دين الله.


ألا فليعلم النساء المسلمات, اللائي ابتلاهن الله بأزواج ارتكسوا في حمأة هذه الردة, أن قد بطل نكاحهن, وصرن محرمات على هؤلاء الرجال, ليسوا لهن بأزواج, حتى يتوبوا توبة صحيحة عملية, ثم يتزوجوهن زواجا جديدا صحيحا.


ألا فليعلم النساء المسلمات, أن من رضيت منهن بالزواج من رجل هذه حاله, وهي تعلم حاله, أو رضيت بالبقاء مع زوج تعرف فيه هذه الردة: فإن حكمها وحكمه في الردة سواء.


ومعاذ الله أن ترضى النساء المسلمات لأنفسهن ولأعراضهن ولأنساب أولادهن لدينهن شيئا من هذا.


Sidoo kale haddii aad u fiirsato gabayadii Sayid M. C/lle Xasan RC ee uu ku kufri xukumayay qolooyinkii raacay ee ka garab dagaalamayay Ingiriiska iyo Talyaaniga waxaad garan kartaa in uu ku xukumay aayaadan aan soo sheegnay iyo kuwa lamidka ah. Waxaana gabayadiisii kamid ahaa:


Nin aqdaamo Faranjiya, maantiyo abuurin  Ama aaladda u sida, ama awrtaba u rara  Ama arigaba u qala, ama laba ugaarsada  Ama uba ilaala ah ama uurka kala jira  Ashahaado beeniyo, islaannimo ha lagu dhaqo  ILaahayna nama oran, anna ma ogolaan karo


Sayidku RC dad Soomaali gala-raac ahayd buu ku xukumay inay gaaloobeen wuuna ku jihaaday umana kala soocnayn iyaga soomaalida ah iyo kuwa ay raaceen, waxayna ukala ahaayeen gaal cad iyo gaal madow.


Sayidka RC oo isticmaarka ku jihaaday wixii raacay isticmaarka ee daba dhilif u ahaana intuu moorada islaamka ka saaray oo ku yiri: Gaalo baad tihiin lana jihaaday, soomaali aad bay u qadirisaa ilaa maantana wanaagiisa waa la xusaa intaa iyo in ka badana wuu inaga mudan yahay sayidka RC waliba soomaalidu taalo bay u dhiseen, waxaase layaab leh raga hadda cadawga wadanka soo galay ka dhiidhiyay ee halganka kula jira maxay Soomaali u qadarin la’dahay?. Haddaad ku andacoon lahaydeen nimankan dadka bay gaalaysiiyaan, haddii uu arinku sidaa yahay sow tuu sayidkuba RC uu gaalaysiiyay nimanka gaalada la saftay. Waxaan shaki lahayn Sayidka RC iyo raga hadda halganka kula jiraba iskama aysan gaalaysiine xujo iyo baraahiin cad-cad bay u haystaan arintaa, waxaadna ogaataa islaanimadu ma’aha xabag kugu dhegan oo aan kaa fuqayn ee waa inaad ogaataa in sida ay waysada u jabto oo kale islaamnimadana u jabi karto haddii aad la timaado wax buriya islaamnimadaada.


Waxaan shaki lahayn in Soomaalidii hore ay ahaayeen dad aan runta ka war wareegin soomaalida waqooyi iyagu wayba kasii xag jireen xaga saraaxada waxaana taa kuu caddaynaya, mar ay diinta ka baxday haweenay da’ ah oo u dhalatay goboladaa waqooyi xilligii iticmaarka, ayaa kolkii ay dadku maqleen inay haweynaydaasi gaalowday halkii ay ka baroordiiqi lahaayeen bay waxay yiraahdeen: Alla maxay islaamka foolxumo kala dhex baxday! Haddana isaga oo qofku la taagan gaalnimo cad ayaa maro islaam oo been ah la huwinayaa. Waana arinta uu la yaabay saxaabigii jaliilka ahaa Xudayfa Ibnul-Yamaan RC kolkuu la yaabay dad gaalnimo ku dhaqmaya muslimnimana loo wato ayaa wuxuu yiri:


الْمُنَاْفِقُوْنَ الّذِيْنَ فِيْكُمُ اليَوْمَ شَرٌّ مِنَ الْمُنَاْفِقِيْنَ الّذِيْنَ كَاْنُواْ عَلَىْ عَهْدِ رَسُوْلِ اللهِ صَلّىْ اللهُ عَلَيْهِ وَآلِهِ وَسَلَّمَ.


Munaafiqiinta maanata idinla joogta ayaa ka shar kadan munaafiqiintii joogtay xilligii Rasuulka SCWW.


Kolkaa bay waydiiyeen sababta? Kolkaa buu ugu jawaabay:


إنَّ أولاء كَاْنُواْ يُسِرُّوْنَ نِفَاْقَهُمْ ، وَإنَّ هؤلآءِ يُعْلِنُوْنَ / رواه البخاري.


Kuwaa ( Munaafiqiinta ahaa ee joogay xilligii Rasuulka SCWW ) way qarsan jireene, kuwanise wayba caddaysteen.


Waqtigii ay saxaabo noolayd buu layaabanaa Xudayfa RC. Hadduuse maanta ina arki lahaa Xudayfa RC waxa aan ku sugan nahay moorada yaa ku hari lahaa?.


Sh Muxammad A. Rooble ( Boqol-Soon ) RC wuxuu yiri: qof aan muslim ahayn ma islaamin karno.


Alle SW wuxuu inoo caddeeyay inay munaafiqiintu ay had iyo goor dhaqan u tahay inay gaalada is xejiyaan oo ay jeclaadaan sokeeyana ka dhigtaan:


تَرَى كَثِيرًا مِّنْهُمْ يَتَوَلَّوْنَ الَّذِينَ كَفَرُواْ لَبِئْسَ مَا قَدَّمَتْ لَهُمْ أَنفُسُهُمْ أَن سَخِطَ اللّهُ عَلَيْهِمْ وَفِي الْعَذَابِ هُمْ خَالِدُونَ / المائدة / 80


Waxaad arkaysaa qaar badan oo iyaga ( Munaafiqiinta ) kamid ah inay gacal ( Iyo xigto ) kayeelanayaan kuwa gaaloobay, Waxaa baas lahaaday waxa ay naftoodu u hormarisay ee ah carra Alle oo dushooda ku dhacda ( Maalinta khiyaamana ) cadaabka dhexdiisa ay ku waarayaan.


Kadibna Alle SW wuxuu inoo caddeeyay in gaalada ay waliga ka dhigteen ay daliil u tahay inaysan mu’miniin ahayn. Wuxuuna Alle SW uu yiri:


وَلَوْ كَانُوا يُؤْمِنُونَ بِالله والنَّبِيِّ وَمَا أُنزِلَ إِلَيْهِ مَا اتَّخَذُوهُمْ أَوْلِيَاء / سورة المائدة/81
KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Shareecada Xukuumad Ku Sheega: Bad iyo Bariba Waa beec:WQ Cali-Daahir X Muxammad
  Mukhaalafaadka. WQ Ali Daahir
  Taarikhda Mawliidka iyo diintu waxay ka qabto‏
  Ma Rabtaa inaad Dunuubta oo dhan iska dayso!
  Salafiga Sirxan


Xayeesiis 25x250